Ridwaan Xirsi” wasiirkii aan ku qanacsaneyn shaqada xukuumada is casilo

by admin | Tuesday, Nov 18, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib shir jaraa’id oo uu goor dhaw qabtay ra’iisal wasaar ku-xigeen ahna wasiirrka Diinta iyo Aw-qaafta xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xirsi Max’ed ayuu kaga warbixiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta xubnaha gollaha wasiirrada ku yeesheen xafiiska ra’iisal wasaaraha, waxaana kulanka shir guddoominayay ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed.

Waxaa uu sheegay Ridwaan Xirsi Max’ed in kulankii maanta uu ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay sidda uu hadalka u dhigay, islamarkaana looga wadda hadallay qodobo dhowr ah, sidda ka doodista hindise sharciyeedyo horyaallay xukuumada oo la ansixiyay iyo ammniga dalka oo laga wadda hadllay.

Dhinaca kale, waxaa uu ka hadllay ra’iisal wasaare ku-xigeenka sidda uu u arko tallo soo jeedinta ka timid qaar ka mid ah xubnaha gollahaRidwaan-xirsi-maxamed2 wasiirrada oo ugu baaqay ra’iisal wasaare C/wali in uu is casillo, ayuu sheegay Ridwaan Xirsi Max’ed in wasiirkii aan la jaan-qaadi karin howsha xafiiska ra’iisal wasaaraha looga baahan yahay in uu is casilo, isaga oo aan mar-marsiyo kale raadinin.

“Wasiirkii aan la jaan-qaadi karin Shaqada Ra’iisul Wasaaraha, waxaa u furan inuu is casilo, Ra’iisul Wasaaruhu markaas wuxuu soo magacaabayaa Wasiirkii bedela”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.

Ridwaan Xirsi Max’ed oo ka mid ah wasiirrada ugu cad cad xukuumada hadda jirta ayaa ka mid ah garabka sidda weyn u taageersan ra’iisal wasaaraha kana soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah C/wali Sheekh Axmed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!