Roobab iyo dabeylo ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland

by admin | Tuesday, Nov 3, 2015

Bari : HN :– Dowladda gobolleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah waxaa ay uga hadashay khasaarihii ka dhashay duufaan ku dhufatay deegaano Puntland ka tirsan, taasoo sababtay burburka waddooyin, beero iyo guriyo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, C/llaahi Xaashi Qoob-deero oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay in roobab ka da’ay deegaannada ku yaalla dhulka ku dhow badda cas iyo tan Hindiya ee Puntland ay burburiyeen waddooyinkii isku xirayay Baar-gaal, Bareedo iyo Caluula.

“Sidaad la socotaan habeen hore, shalay illaa xalay waxaa socday dhibaatooyin ka dhacay dhulka ay iska galaan badda Cas iyo tan Hindiya, dhibaatadaasna waxay saameysay dadka, xoolaha, tuulooyin iyo degmooyinka,” ayuu wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland ku yiri shirkiisa jaraa’id.

udhb_^_]XV````

udhb_^_]XV““

Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirka intaas ku daray in shalay ay dhacday badda oo kacday iyo dabeylo, marka baddu kacdo xeerka lagu yaqaanno wax ka duwan bay la timid, waxayna socotay boqolaal mitir, waxayna dhibaatooyin u geysateen agabkii badda looga adeegan jiray iyo beeraha.

“Roobab xalay da’ay waxay jareen waddooyinka isku xiri jiray, Baar-gaal, Caluula iyo Caluula,” ayuu yiri C.llaahi Qoob-deero, isagoo intaas raaciyay in waddooyin ku dhow bad-weynta Hindiya ay burbur xooggan soo gaareen.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in hadda Puntland ay diyaareen garoonka Caluula oo si nabad-galyo ah lagu tegi karo, maadaama gaadiidku aanu gaari karin deegaannadaas; waxaana sidoo kale laga tegi karaan dhanka badda.

“Waxaan Beesha Caalamka, dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland ee dal iyo dibad ku nool ugu baaqaynaa in ay shacabkaas la gaaraan kaalmo deg-deg ah, sida caafimaadka, hoyga iyo cunnada,” ayuu hadalkiisa ku daray Qoob-deero.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay inay shacabka Puntland horay u haysay dhibaato, haddana ay ugu darmeen kuwo kale oo dabiici ah, ayna u baahan yihiin dadka deegaannadaas ku nool kaalmo deg-deg ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!