Ruux Somaali ah oo saddex qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ku dillay Cape Town

by admin | Thursday, Feb 12, 2015

Cape Town : HN :–Ruux Soomaali ah ayaa habeenimadii xalay ku toogtay maqaaxi ah oo ku taal deegaanka Mitchell Plain ee magaalada Cape Town saddex kale oo muwaadiniin Soomaali ah.

Dhacadan oo siweyn uga naxeen dadka Soomaalida ee ku sugan magaalada Cape Town ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa, waxaana qaar ka mid ah dadkii ka bad baaday toogashadaas ay sheegeen in mar kaliya ay ka war heleen rasaas lagu soo ridayo.

Ninkan ayaa ahaa shaqsi aad looga yaqaanay deegaanka Mitchell Plain, waxaana la ogeyn sababta keentay in uu falkan ku kaco, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu ahaa nin aad u cibaado badnaa oo aan marna masaajidada ka bixi jirin.

Boqolaal Soomaali ah ayaa isugu soo baxay oobta uu falka ka dhacay waxaana ay aad uga xumaadeen dhacdada naxdinta leh ee ka IMG_5198dhex dhacday soomaalida ku nool deegaankaasi. iyagoo qaarkood ilmeynayeen maadaama muwaadiniinta geeriyooday ay ahaayeen rag aad looga qadariyo deegaankaasi oo ay soomaalida ku nooshahay.

Odoyaal iyo culimada Soomaalida oo goobta kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa xusay in dhacdadani ay tahay musiibo ku dhacday Soomaalida, waxaana ay ugu baaqeen in xaalada la dajiyo, islamarkaana bulshada aan loo kala qaadin warar abuuri kara colaad dhax marta dad walaalo ah.

Muwaadiinta Soomaalida ee ku dhintay toogashada ayaa lagu kala magacaabi jiray C/wahaab Nusliiro, Cabdi madoobe iyo Maxamed Xasan maxamed, kuwaasoo la filayaa in maanta salaada duhur kadib lagu aaso qabuuraha Muslimiinta magaalada Cape Town.

Ma cadda sababta ka dambeysa falkan inuu ku kaco ninkan Soomaaliga ahaa, waxaana ciidamada Booliska ay wadaan baaritaan ku aadan sninka falka toogashada ka geystay goobta maqaaxida ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!