RW Cumar C/rashiid oo mar kale la shiray xidhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Jubbaland

by wadani | Monday, Dec 26, 2016

Muqdisho : HN :- Ra’isul Wasaataha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa olole xoogan uu ku kasbanayo codka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka waxa uu ka wadaa magaalada Muqdisho.

Cumar C/rashiid oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka kuwaa oo ka codsaday in codkooda ku taageeraan.

R/Wasaaraha ayaa shalay kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay Xildhibaanada labada Aqal ku matalaya maamulka Jubbaland, waxa uun a Cumar Xildhibaanada uu la kulmay ka codsaday in ay ku taageerana damaciisa ku aadan in uu dalka Madxaweyne ka noqdo.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyay kuna taageeray Ra’isul Wasaaraha damaciisa ku aadan in uu Madaxweyne noqdo, waxa ayna ugu laab qaboojiyeen in ay taageerayaan codkodana siinayaan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhawaan la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ku matalaya Puntland, kuwaa uu iyana ka codsaday in codkooda siiyaan, waxa uu sidoo kale Cumar kulamo hoose la qaatay Xildhibaano kale oo katirsan labada Aqal laguna soo doortay goobo kala duwan.

Musharaxiinta Madaxweyne ayaa olalahooda si xoogan uga wada magaalada Muqdisho ay hada joogaan inta badan Xildhibaanadii wax dooran lahaa, waxa ayna Musharaxiinta mid kasta waqti ku bixinayaa sidii uu ku heli lahaa kursiga dhax yaala Madaxtooyada Soomaaliya.





Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!