RW ku-xigeenka ku guuleystay xildhibaannada aqalka hoose ee G W/qooyi

by wadani | Tuesday, Dec 6, 2016

Muqdisho : HN :-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee ku soo baxa doorashada xubinnimada aqalka hoose ee gobollada W/qooyi Soomaaliland ku matallaya baarlamaanka federaalka ee cusub.

Doorashad Max’ed Cumar Carte oo ugu guuleystay musharixiin la tartamayay 47 cod, waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada.

Waxaa uu uga mahad celiyay guushiisa ergooyinka doortay, waxaana uu ammaan u jeediyay howsha ay hayaan guddiga doorashooyinka iyo ciidamada amniga.Doorashadan ayaa imaneysa xili ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu ku baaqay in doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland lagu  qabto xarunta Xalane, waxaana baaqaa ra’iisal wasaaraha ka jawaabay Max’ed Cumar Carte oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in doorashada aysan ka dhicin goob ay ilaalinayaan sidda uu hadalka u dhigay ciidammo ajnabi ah.

Ugu danbeyntii, doorashada dhowr kuraas kale ayaa lagu wadaa inay goor dhow ka dhacdo xarunta Gaadiidka Booliska, iyadoo kuraasta qaar ay ku tartamayaan Xubno horay xildhibaano iyo Wasiiro u soo noqday.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!