RW ku-xigeenka oo sheegay in dalka ka dhici doonto doorasho lagu wadda qanco

by wadani | Sunday, Dec 27, 2015

Muqdisho : HN :–RW ku-xigeenka xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte (Qaalib) ayaa sheegay marka la gaaro bartamaha sanadka 2016 inay dalka ka dhacayso doorasho ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxuu sheegay doorashada in ay noqon doonto mid saamiga awood qeybsiga ku saleysan cadaalad,isagoo inta ku daray in dhowr iyo labaatan hindiso sharciyeed ay xukuumadda u gudbisay baarlamaanka Soomaaliya, xukuumadduna ay howlo badan qabatay muddadii ay shaqeeneysay.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa muujiyay in dowladda badali doonta midda hadda shaqeyneysa ay ka dhaxli Cartedoonto wanaag iyo howllo badan oo loo sii fududeeyay.

“Waxaa dalka ka dhacysa doorasho ku saleysan cadaalad oo ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed,waxaana ka fileyna dowladda marka la soo dhisayo inay ka dhaxli doonta mida hadda shaqeysa wanaag iyo shaqo badan,”ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Waxuu usoo jeediyay hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka shaqeeyaan horumarka ay gaaraan ummaada Soomaaliyeed.

Magaalada Kismaayo ayaa la filaya bisha soo socota ee Janaayo 10-keda in lugu qabto shirka ugu dambeeya ee lugu go’aaminayo nooca iyo qabka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa 2016 oo la doonaya inay ka duwanaato doorashooyinkii horay dalka uga soo dhacay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!