RW ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Jordan

by wadani | Thursday, Dec 22, 2016

Muqdisho : HN :-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Maalgashiga dalka Urdun Dr Jawaad Al Canani oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, maalgashiga iyo sidii wax looga qaban lahaa fikirka xagjirnimada ee caalamka Islaamka ka jirta.

“Urdun waa dal xidhiidh walaaltinimo naga dhaxeyo oo waqtigan ay tahay in aan iska kaashano maal-gashiga, waxbarashada, iyo sidii dhalinyarada xirfado shaqo loogu abuuri lahaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carteh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale kala hadlay dhiggiisa dalka Urdun sidii Soomaaliya ay uga faa’ideysan laheyd horumarka dhanka caafimaadka ee ay gaadhay dalka Urdun islamarkaana Soomaaliya ay u noqon karto albaab ay ka soo gasho Afrika.

“Soomaaliya waa dal saameyn weyn ku leh ganacsiga geeska Afrika oo ay cadeyn u tahay sida dadka Soomaaliyeed ay ganacsiyo guuleystay uga abuureen dalalka geeska Afrika, waa fursad muhiim u ah Urdun si ay geeska Africa u la yeelato xiriir ganacsi; dhanka kale waxa aan doneynaa in aad naga caawisaan sare u qaadida tayada caafimaadka dalka”.

Ugu dambeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in Soomaaliya ay safka hore uga jirto sidii Dowladaha Carabta iyo wadamada Afrika u dhexmari lahaa xiriir dhaqaale.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!