RW Sharma’arke iyo C/wali Gaas oo kulan ku yeeshay Garoowe

by wadani | Sunday, Dec 11, 2016

Addis Ababa : HN :- RW Soomaaliya Cumar C/rashiid  oo gaaray magaalada Garoowe  ayaa halkaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas.

Kulanka labada dhinac u dhaxeeyay ayaa waxaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya iyo olalaha ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.

Sidoo kale waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah abaaraha ka jira deegaanada Puntland, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo xoolaha ku nool deegaanada qaar oo abaaraha ay ka jiraan.

Kulamada siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxweynaha Puntland iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray arimaha doorashada ka dhaceyso magaalada Garowe iyo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar.

Cumar C/rashiid Cali ayaa sanadkaan doonaya inuu noqdaa madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu raadinayaa isbaheysi siyaasadeed.

Ugu danbeyntii, waxaa uu ra’iisul wasaaraha safaro badan ku tagay magaalooyinka dalka qaarkood oo uu iskaga daba laabtay iyo wadamada deriska ah.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!