RW Sharm’arke ” annaga waxa kaliya oo aan rabo waa xaalada Gaalkacyo oo degan

by wadani | Sunday, Dec 6, 2015

Gaalkacyo : HN :-Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegay in waxa kaliya oo ay u joogaan halkaa tahay in la arko Gaalkacyo oo nabad ah kuna soo laabata siddii ay dagaallada ka hor aheyd.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Gaalkacyo yihiin dad walaalo ah waligoodna wada degenaa,hal meelna wax ku wada qeybsan jiray.

Waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka kuSharma'arke_Somalia_PM_FP_HOL aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali

Madaxweynayaasha Puntland,Cabdiweli Gaas iyo Galmudug, Cabdikariin Guuleed ayaa qudhooda ka dhawaajiyey in ay diyaar u yihiin kadhabeynta heshiiskii Gaalkacyo ee dhawaan ay saxiixeen.

Raiisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa xusay in uu dhammaaday waqtigii dagaalka ,waxa keliya ee loo baahan yahayna ay tahay in dadku nabad helaa dibna ugu soo noqdaan guryahooda

Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada,Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday,Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata””ayuu yiri

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu kula dar-daarmay Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke in ay mar walba xoojiyaan Iskaashigooda dhinac walba ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!