RW Sharm’arke gaaray magaalada Garoowe iyo C/wali Gaas oo ka anbabaxay

by wadani | Saturday, Oct 15, 2016

Garoowe : HN :-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dadaal ugu jira xalinta dagaalka Gaalkacyo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Cumar C/rashiid oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa halkaas kula kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, isagoo kala hadlay sidii dagaalka Gaalkacyo loo joojin lahaa, lana kala qaadi lahaa ciidamada is hor-fadhiya.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Kanooko ee duleedka Garowe, waxay kulan kooban ku yeesheen Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, iyadoo markii dambe C/wali Gaas ka dhoofay garoonka, una duulay dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Diyaarada qaadi laheyd Madaxweynaha Puntland oo garoonka ku sugneyd, xilliga ay kulmayeen isaga iyo  Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaalkacyo, labada dhinac Puntland iyo Galmudug u qaadan lahaayeen wada hadal.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay waligeed nabada raadineysay, isla markaana aysan cidna duulaan ku aheyn.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu Garowe u yimid sidii uu waan waan uga dhex bilaabi lahaa labada dhinac, si loo joojiyo dagaalka Gaalkacyo.

Lama oga inta uu Ra’iisul Wasaaraha joogi doono Garowe, hase ahaatee waxaa uu la kulmi doonaa Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!