Saacadaha soo socda oo la fillayo in lagu dhawaaqayo ra’iisal wasaare

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Muqdisho : HN :– Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa xiligan ka soconeysa qaban-qaabada munasabad la filayo in saacadaha soo socda madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud kaga dhawaaqo ra’iisal wasaaraha saddexaad dowladda uu hogaamiyo, kaddib markii dhawaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Inta badan warbaahinta ayaa goor dhaw looga yeeray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya si ay goob joog uga noqdaan munaasabadaBREAKIN ku dhawaaqista ra’iisal wasaaraha, oo la fillayo sidda xog hoose oo la hellay sheegeyso in loo magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maalintii shalay soo gaaray Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in lagu wado in ra’iisul waasaraha cusub lagu dhawaaqo wixii ka dambeeya 4:00 galabnimo ee maanta, iyadoo wararka ku dhow-dhow madaxtooyada ay sheegayaan in xilka loo magacaabo, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xalay waxaa xarunta madaxtooyada mudo saacado ah shir ay albaabada u xirran yihiin ku qaatay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana la sheegay in dhamaaba waxyaabihii ay ka wada hadlleen is afgarad laga gaaray.

Hadba wixii warar ah kala socon Hiiraan Net daqiiqad kasta

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!