Saacid” waa in khilaafka jira la soo afjaraa si loo ilaaliyo dowladnimada curdanka ah

by admin | Sunday, Nov 23, 2014

Dubai : HN :– Ra’iisl wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta, waxaa uu ka hadllay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaarihiisa Cabdwali Sheekh Axmed Max’ed.

Cabdi Faarax Shirdoo Saaci, ayaa ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka, iyadooSaacid-1 muhiimadda la siinayo howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

”Soomaaliya xiligan khilaaf uma baahna, waxaan leeyahay dhamaan dhinacyada arrinta ku lugta leh  waxaa muhiim ah in la tixgeliyo danta guud ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016”.

Ra’iisal wasaarihii hore Saacid ayaa bishii December oo sanadkii hore waxaa kalsoonida kala noqday baarlamaanka xiligan jira ee federaalka, kaddib khilaaf la mid ah kan hadda jira oo soo kala dhax-gallay isaga iyo madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!