Saameynta cudurka Ebola ee fantisyaha ciidda

by admin | Sunday, Oct 5, 2014

Africa dhexe :HN :–Iyadoo dunida muslimka looga dabaal-dagayo munaasabada ciidda ayaa hadda dhinaa kale marka la eego dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan Africada dhexe waxaa saameyn adag ku yeeshay cudurka Ebola oo iska hortaaga in ay u dabaal-dagaan munaasabada ciidda.

Wararka ayaa sheegaya in dalka Guinea goobaha dadka ay salaadaha ciidaha isugu iman jireen ay dadku ku yaraayeen waxayna culumada wdanka Sierra Leone ay dadka Muslimiinta ah ay ka fogaadaan is gacan qaadka iyo is dhunkashada.

Wadanka Guinea ayaa dadka ku nool oo tiradooda lagu qiyaasay 11 malyan ayaa 85% kamid ah waxa ay yihiin Muslimiin, waxayna140627004523_ebola_464x261_getty_nocredit dowlada uga digtey shacabkeeda in ay kulamo waaweyn yeeshaan oo ay dadku isku soo ururaan.

Si kasta ha ahaatee dadka Islaamka ah ayaan joojin waajibaadyada ay leedahay maalinta Ciidal Adxaha sida tukashada salaada iyo gowricida xoolaha. Wadanka Sierra Leone oo dad badan oo Islaam ah ku nool yihiin ayaa dadka loogaga digayay isku soo ururka.

Illaa iyo 1.5 billion oo Muslimiin ah ayaa caalamka maanta ugaga dabaaldegtay munaasabada Ciid Al-Adxaha halka labo malyan oo kale ay gudanayeen waajibaadka xajka iyagoo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka.

Dhinaca kale kalkaaliso u dhalatay dalka Faransiiska oo uu ku dhacay cudurka Ebolaha wadanka Liberia ayaa ka soo ladnaatay kadib markii dawooyin tijaabo ah lagu siiyay magaalada Paris. Dadka u dhintay cudurkan Ebolaha ayaa waxaa ay kor u dhaaftay 3,400 oo ruux.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in kalkaaliso ka shaqeynaysay hay’ada MSF ee dalka Liberia oo uu ku dhacay cudurka Ebolaha ay ka baxday isbitaal lagu daweynayay oo ku yaal magaalada Paris kadib markii ay bogsatay.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!