Saboolnimada caalamka oo la codsaday in lagu ciribtiro mudo 15 sano ah

by admin | Saturday, Sep 26, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxda dunida ayaa ku baaqay in la ciribtiro faqriga iyo saboolnimada 15ka sano ee soo socota iyadoo la taabagelinayo qorshayaal horumarineed oo ku baxaysa balaayiin dollar.

Hogaamiyayaasha ka hadllay kulanka QM ayaa waxa ay ku taageereen sidii loo hirgelin lahaa qorshaha horumarinta caalamka 15ka sano ee soo socda. Waxaa la isku raacay in 17 hadaf xooga la saaro iyo weliba in la beegsado illaa 169 yool oo ah sidii loo horumarin lahaa caalamka.

Qorshayaashan ayaa waxa ay bedeli doonaan higsigii hore ee loogu magac daray Millennium Development Goals (MDGs) kaasoo ku eg

Sustainable Development Goals_E_Final sizes

Sustainable Development Goals_E_Final sizes

sanadkan, hase yeeshee qorshahan cusub ayaa waxaa la doonayaa in laga hirgeliyo wadamada horumaray iyo kuwa soo korayaba.

Barnaamijkan cusub ayaa waxa uu qorshuhu yahay in la soo afjaro saboolnimada iyo baahida,in la xaqiijiyo nolol caafimaad leh,in sare loo qaado waxbarashada iyo weliba wax ka qabashada cimilida isbedelesa ee caalamka.

Qorshahan ayaa loogu talogalay in ay ku baxdo sanad walba lacag gaareysa $3.5 illaa iyo $5 trillion inta laga gaarayo sanadka 2030.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa aad u ammaanay qorshahan waxaa uu ku tilmaamay in uu yahay mid dunida nolosheeda wax ka bedeli kara.

“Tijaabada saxda ah waa sida loo hirgelin lahaa qorshan 2030,”ayuu Ban u sheegay hogaamiyaasha caalamka. “Waxaan u baahanahay fal meel walba iyo qof walba.”ayuu sii raaciyay.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo soo afjari lahaa saboolnimada dad lagu qiyaasay 836 malyan oo ruux oo halis ugu jira inay gaajo u dhintaan, dadkaa ayaa badankood waxa ay ku nool yihiin Saxaraha Afrika iyo Asia.

Balaayiin dollar oo gargaarka horumarinta ah ayaa dib loo agaasimi doonaa si loo gaaro yoolka la doonayo. Hase yeeshee waxaa la isweydiinayaa sida loo hirgelin doono qorshahan cusub maadaama hore loogaga bartay in ballanqaadyada Qaramada Midoobay in aan la hirgelin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!