Sacudiga oo mudo kooban hakad galiyay duqeyntii uu ka wadday dalka Yaman

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Yaman : HN :–War ka soo baxay boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa  lagu sheegay in  waqti kooban la joojiyay duqeymaha ay ka wado dalka Yemen, kaasoo ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta Yemen.

Jen Axmed Asiri oo ah afhayeenka militariga dalkaas oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in muddo labo saacadood ay joojiyeen weerarada cirka, sababo ku aadan dalka Pakistan oo muwaadiniintiisa kala baxaya Yemen.

Maraakiib ay leeyihiin Pakistan oo ku soo xirtay Cadan ayaa la sheegay inuu daad-gureynayo muwaadiniintiisa ku sugan Yemen,ciidamada-cirka-xulafada-sucuudiga iyadoo Pakistan ka mid yahay isbaheysiga Sacuudiga hogaaminayo ee weerarada ku qaaday Xuutiyiinta.

Sidoo kale dowladaha Hindiya iyo Shiinaha ayaa iyana boqolaal ka mid ah muwaadiniintooda kala baxaya Yemen, kadib markii qalalaasaha dalkaas uu sii xoogeystay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Sacuudiga uu ka daad-gureyay Cadan diblomaasiyiintiisa, kadib markii uu bilaabay howl galka milateri.

Dhinaca kale General Ahmed Asiri ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareen duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, ayna bur buriyeen saldhigyo milateri oo ay Xuutiyiinta ku lahaayeen Sanca, Sacda, Hudeydah, waxaana uu intaa ku daray in gantaalo ay lahaayeen Xuutiyiinta la bur buriyay.

Dowladaha Carabta oo shir uga soo gaba gaboobay magaalada Sharma Sheekh ayaa isku raacay in la dhiso ciidan wada jir ah, inkastoo aan la ogeyn inay ciidan dhulka ah geyn doonaan Yemen iyo in kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!