Sacuudiga oo ka biyo diiday ka qeyb-gallka shirka Mareykanka iyo wadamada khaliijka

by admin | Monday, May 11, 2015

Jidah : HN :–Boqorka Sacuudiga kama qayb-gali doonta shirka u dhaxeeya Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,sida lugu sheegay war ka soo baxay Boqor Salman-ka Sacuudiga.

Madaxweynaha Marekanka ayaa shirka ku casumay boqorka dalka Sacuudiga,balse waxuu ku wargaliyay inuusan shirka ka qayb-gali doonin,wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga,Adel Al-jubeir ayaana sida xaqiijiyay.

Diidmada boqorka ayaa loo arka inay tahay mid su’aal laga keeni karo inta uu la’egyahay xiriirka u dhaxeeya xukuumadaha Riyadhaimages2 iyo Washington oo ka hor boqorkan cusub isku dhawaa.

Shirka u dhaxeeya Mareykanka iyo dalalka Khaliijka waxaa uu furmaya sida lugu ballan-sanyahay maalinta Khamiista,waxaana Sacuudiga u tagi doono dhaxal sugaha boqortooyada,Mohammed Bin Nayef oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo wiilkiisa oo ah ku-xigeenka dhaxal sugaya,Mohamed Bin Salman ahna wasiirka Gaashaandhiga.

Madaxweyne Obama ayaa qorsheynayay in boqor Salmaan uu la yeesho kulan fool ka fool ah, ka hor inta aanu furmin shirka xulafada Carabta iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa doonaya in saaxibadiisa wadamada Khaliijka inuu ku qanciyo heshiiska Nuclear ee Iiraan lala galay, waxaana dalalka Khaliijka ay u arkaan awooda Iiraan ee gobolka mid halis ah

Boqorada wadamada Qatar iyo Kuwait ayaa sidoo kale diiday inay shirka ka qeyb galaaan, waxaana taa bedelkeed ay iyana u direen wakiillo.

Shirkan waxuu ku soo aadaya xilli xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ay weerarro cirka ka wada dalka Yemen, iyadoo Mareykanka uu taageeray, waxaana Sacuudiga uu soo jeediyay xabad soo joojin maalinta berri billaabaneysa oo ku aadan arrimo bani’aadanimo awgeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!