Sacuudiga oo Yemen ka soo celinaya tiro badan oo qaxooti Soomaali ah

by wadani | Sunday, Jul 16, 2017

Yemen : HN :-Xarunta Gargaarka Bini’aadinimo ee Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis, ayaa sheegtay inay sii wadeyso dib u celinta Qaxooti Somaliyed ee  ku go’doonsan dalka Yemen oo qalalaase dagaal ay ka taagan yihiin, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Sacuudiga SPA.

Yemen waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya Xoogaga mucaaradka ee Dowladda ku kacsan iyo Dowladda sharciga ah ee dalka Yemen ka dhisan, taasi oo keentay inay barakacaan kumanaan ruux.

Sacuudiga ayaa sheegay inay dib ugu  celiyeen dalkooda hooyo ee Somaliya dad gaaraya 100 qof oo Soomaali ah, iyadoo arintaasi la kaashanayso hay’adda Muhaajiriinta caalamka IOM iyo xarunta Gargaarka ee Boqor Salman.

 Agaasimaha Xarunta Gargaarka ee Boqor Salmaan Salih Al-Zubiani ayaa sheegay tirada dadka Somaliyed ee dalkooda dib loogu celiyay inay gaarayaan 1,075, waxa kale uu sheegay inay dhiman yihiin dad gaaraya 2,500 ruux oo iyaga qorshaha uu yahay in wajiga labaad ee dib u celinta Qaxootiga lagu qaado, si Somaliya loo geeyo.

Yemen ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ay ku dhibaateysan yihiin Qaxootiga Somaliyed ee ka cararay dagaaladii ka dhici jiray gudaha dalka Somaliya.

Diyaaradaha Isbaheysiga Sacuudiga ayaa horay u dilay Somali gaaraya 33 ruux oo la socday Doon ka ambabaxday Magaalada Xudeyda ee dalka Yemen, kuna sii jeeday dalka Sudan, si ay halkaasi uga sii tahriibaan, mana jirto illaa hadda cid wax iska waydiisay dadkaasi Somaliyed ee la laayay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!