Sacuudigu waa xadgudbay‏. WQ: Maxmuud Soofe

by admin | Sunday, Jan 1, 2012

بسم الله الرحمن الرحيم

كل عام و أنتم بخير يا شعب صومال

Salaan iyo duca kadib, waxaan mar 2 aad idin oranayaa sanad wanaagsan dhaamaantiin Soomaaliyeey. U jeedka maqaalku waa cambaarayn iyo dhaliil aan u jeedinayo Dowlada Sacuudiga oo caadaysatay dhiiga Soomaalida. Shaqsi walbo oo wadani Soomaaliyeed ah waa in uu ka danqado xasuuqii ka dhacay Koonfurta Sacuudiga kaasoo lagu xasuuqay ilaa 40 dhalinyaro ah oo soomali ah. Warbaahinta xorta ah oo ay VOA ka midtahay sida ay sheegtay, 40 qofood oo Soomaali ah ayaa lagu toogtay xuduudka ay wadaagaan Yemen iyo sacuudiga. Dadkaa la xasuuqay waxay ahaayeen qaxooti ka soo barakacay abaarta ka jirto Soomaaliya; waxay doonayeen meel ay ka xamaashaan. Halkii soo dhawayn iyo gargaar ay filayeen, waxaa lagu soo dhaweeyay Xabad iyo Geeri. Allaahu akbar Sacuudigu waa xadgudbay. (الله أكبر جا وز سعوديون المدى)

Waxaan qofne ka daahsoonayn in xukuumada Sacuudigu Tarxiil ama repatriation ay ku samayn jirtay Soomaalida. Waxaa taa ka daran sharaf ka qaadista iyo bahdilka ay Sacuudigu u gaysteen Soomalida.waan filayaa in aad kalhore Idaacada BBC Ka dhagaysateen gabdho/ hablo Soomaliyeed oo Sacuudiga loo waday si loo adoonsado in lagu qabtay Yemen. Haatan Sacuudigu waxaa muuqato in uusan dhowrayn dhiiga Soomaalida. Waxaa iska cad in ilaalada Sacuudigu ay ku toogasho barteen muwaadiniin Soomaali ah oo ay bad-baadin kareen. Waxaan soo xasuustay Gabaygii ahaa( Muslimnimo nimaan kugu cafinin muuminimo khaas ah gaal maxasta kuu dhowro oo aad magansataa dhaamo)

Dareenkaygu waa dareenka dadkayga, waxaane leeyahay Dhiigayagu raqiis ma ahan. Soomaalida dhibaatada way ka bixi doonta , cadowgeedane wuu jabi doonaa insha Allaah. Allaah Qur’aankiisa wuxuu ku yiri ( إِن يَمْسَسْكُمْ قَرْحٌ فَقَدْ مَسَّ الْقَوْمَ قَرْحٌ مِّثْلُهُ وَتِلْكَ الأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيْنَ النَّاسِ وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُواْ وَيَتَّخِذَ مِنكُمْ شُهَدَاء وَاللَّهُ لاَ يُحِبُّ الظَّالِمِينَ). ” Haddii dhib idin taabtay, waxaa xaqiiqo ah in dad kale uu horey dhib u gaaray, maalmuhune waa wareeg oo qoloba markeeda ayaa la xanuunjin si uu Allaah u muujiyo kuwa xaqa rumeeyay, arinkaane Allaah uu marqaati ooga dhigo dad adinka inka mid ah, Allah ma jeclo kuwa dulmiilayaasha ah”. Walaalyaal mar haddii uu Allaah sidaa hore inoogu sheegay, marka imtixaam uunbaa jiree yaan la daalin. Yaan laga daalin in xaqa la sheego, oo yaan laga daalin in nabada laga shaqeeyo; yaan laga daalin in dadka la baraarujiyo. Ciddii dulmi samayso ilaah baa kale xisaabtamiye, yaan la daciifin, oo yaan la niyad jabin. Waxaan maqaalkayga ku soo gunaanudayaa gabaygii Allaha u naxariistee Cabd muxmed Amiin. ” Dadkii nala gudboonaa dayaxuu u guuraye, nin qabiil gargaarsaday guul gaari-maayee guulaystayaal geediga wada. Gobanimo nin raadshay guulbaa u danbaysee guulaysta-yaal geediga wada”.

Maxamuud Sheikh Xasan Cali (Soofe)

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!