Sadax ruux oo ajanbi ahaa oo ku geeriyootay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho

by admin | Tuesday, Sep 22, 2015

Muqdisho : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saddex ruux oo ajnabi ah ka mid ahaayeen  dadkii  ku geeriyooday weerarkii xalay ka dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo u dhashay dalka Poland.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay  in saddexda ruux ee u dhashay Poland

A Somali government soldier walks at the scene of an explosion in front of the presidential palace in the capital Mogadishu, September 21, 2015. At least five people were killed when a car bomb exploded close to the presidential palace in Somalia's capital Mogadishu on Monday, police said. Picture taken September 21. REUTERS/Feisal Omar TPX IMAGES OF THE DAY

A Somali government soldier walks at the scene of an explosion in front of the presidential palace in the capital Mogadishu, September 21, 2015. At least five people were killed when a car bomb exploded close to the presidential palace in Somalia’s capital Mogadishu on Monday, police said. Picture taken September 21. REUTERS/Feisal Omar TPX IMAGES OF THE DAY

ay shaqooyin dhanka dhismaha ah ka wadeen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay lahaayeen shikad dhismo oo madax-bannaan.

“Qaraxii xalay ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Soomalia, dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa saddex qof oo u dhashay dalka Poland, kuwaasoo mid ka mid ah uu Asalkiisu ahaa Falastiini,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ka howlgal gashay madaxtooyada Soomaaliya.

Illaa hadda lama oga in Maydadka Ajnabiga u dhashay Poland in Dalkooda lagu celin doono si loogu aaso iyo in kale, iyagoo noqonaya dadkii u horreeyay oo Polish ah oo ku dhinta Qaraxyada ka dhacayay Caasimadda Somalia ee Sannadihii u dambeeyay.

Ugu danbeyntii ammniga xarunta madaxtooyada ayaa siwey loo adkeeyay, iyadoo lagu Arkayo Waddada Gasha Madaxtooyada Somalia Ciidammo fara badan oo baaris ku sameynaya gaadiidka maraya waddadaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!