Sadax ruux oo dhaawac ka soo gaaray qarax goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al-Mukaraha

by admin | Saturday, Oct 25, 2014

Muqdisho : HN :–Saddax ruux ayaa ku dhaawacantay qarax duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka xarunta Immigration ee Gurigii Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari la sheegay inuu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda oo waxyaabaha qarxa loogu xiray.

Gaariga ayaa hor qarxay meel baabuurta la dhigto oo ku dhow Hotelka Golden, iyadoo xilliga qaraxa dhacayay wadada ay marayeen gaadiid kala duwan.

Mid ka mid ah dadkii goob jooga ahaa ayaa sheegay in gaariga xilliga uu qarxayay aanu cidna ku jirin, islamarkaana uu ka bad baaday ruuxii lala damacsanaa weerarka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka gaariga loogu xiray uu ka shaqeynayay mid ka mid ah Wasaaradaha dowladda, balse ma aanu helinwadadaa magaciisa iyo wasaarada uu ka tirsan yahay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay gaadiidka lagu xiro waxyaabaha qarxa ee ay leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha, waxaana u dambeeyay qarax todobaadkii hore ka dhacay Suuq Bacaad, kaasoo uu ku dhintay sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo gaarigii qarax loogu xiray.

Gudiga Amniga Qaranka ayaa go’aamo ay habeen hore ka soo saareen kulan dhex maray ayaa waxay ku sheegeen in wax laga weydiin doono cidii ka tirsan dowladda ee gaarigiisa lagu xiro waxyaabaha qarxa, lana soo gala xarumaha dowladda.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!