Saddex u geeriyootay darbi ku soo dumay magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 8, 2015

Muqdisho : HN :–Iyadoo ay da’ayaan roobabkii xiligan deryta, ayaa magaalada Muqdisho waxaa daindexrbi ku soo dumay kaddib roobab xoog leh oo da’ay ku geeriyooday saddex ruux.

Darbigan ayaa dumary xilli roob xoog leh uu xalay iyo maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho waxana wararka ay sheegayaan in ugu yaraan afar kale ay waxyeelo ka soo gaartay dumista darbiga.

Dadka wax ku noqday dumista darbiga oo ka dhacday degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa isugu jirey dad waaweyn iyo carruur.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan  in ciidan ka tirsan AMISOM ay gurmad u fidiyeen dadka uu darbigu ku dumay kuwaasoo xilligaasi ku suganaa meel u dhow halka uu shilku ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka da’ay roob xooggan oo sababay in ay adkaado isku socodka dadweynaha ee xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!