Safaarada Mareykanka oo ka digtay weerarro ka dhaca Kampala

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Kampala : HN:- Safaaradda Mareykanka ee ku taala magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca magaaladaasi.

Safaaraddu waxa ay soo saartay digniin deg deg ah oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee waddankaasi ku nool.

Warbixin ka soo baxday safaaradda ayaa lagu sheegay in ay suurtagal tahay in dhawaan uu weerar ka dhaco goobo ay ku kulmaan dadka reer galbeedka ah.

Safaaraddu waxa ay hakisay munaasabado aan muhiim ahayn oo maalmaha soo socda ka dhici lahaa huteel ku yaala magaaladaasi Kampala.

Al-Shabaab ayaa horey u weerartay bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi Uganda, weeraradaasi oo ay ku sheegeen in ay jawaab u tahay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya kula dagaalamaya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!