Safaarada Mareykanka oo la xiray kaddib markii shalay mindi lagu weeraray

by wadani | Friday, Oct 28, 2016

Muqdisho : HN :-Safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa maanta xiran kadib markii nin lagu dilay horteeda.

Waxaa xiran dhammaan qeybaha kala duwan ee safaarada oo ay ku jirto qeybta qunsuliyada. Ninka ayaa halkaa lagu dilay shalay kadib markii uu askari booliis ah ku muday tooreey asagoo sida la sheegay isku dayayay inuu safaarada qasab ku galo.

Xalay ayaa lagu qoray barta internetka ee safaaradaa in shaqada safaarada hakad la galin doono ilaa 31ka bishaan waxaan ka ahayn adeegyada dagdaga ah.

Si kastaba ha ahaatee waxay safaaradu xaqiijisay toogashada ninkaa lagu dilay balse waxay sheegtay in shaqaalaheedu dhammaan ay bad qabaan.

Ninka ayaa sida la sheegay mindi askariga uga dhuftay madaxa iyo gacan kahor intii uusan isla askarigaasi toogasho ku dilin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!