Safaarada mareykanku ku lahaa Jabuuti oo si kumeel-gaara la xiray

by admin | Thursday, Mar 19, 2015

Jabuuti; HN;- Dowlada Mareynkanka ayaa si KMG ah u xirtay Safaaradii ay ku lahayd dalka Jabuuti, waxaana Talabadaasi Mareynkanka uu ku tilmaamay mid dib loogu eegayo amniga safaaradda, sida Saraakiil Mareynkanka ay shaaciyeen.

Safaarada Geeska Africa ayaa la xiray laga bilaabo maanta oo khamiis ah, iyadoo dib loo furi doono maalinta Axada.

” Waxaan si joogta u heleynay warbixino,waxaana go’aansanay in dib u eegno amaankeena iyo qatarta nagu soo wajahan,” Wasaarada arimaha dibada Mareynkanka ayaana sidaa ka sheegtay Washington.

Xiritaanka Safaarada Mareynkanka Ee Jabuuti ayaa ku soo aadeysa xilli Mareynkanka uu Hakad geliyay howlihii ka socday Safaaradii uu ku lahaa magaalada Riyaadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Mareynkanka ayaa dalka Jabuuti ku leh xaruntiisa ugu weyn ee Africa, halkaasi uu ka qaado weerarada cirka ee ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Somalia iyo Yemen iyo guud ahaan Howlgalada Africa.

Mas’uuliyiinta safaraadda ayaa sheegay in muwaadiniinta Mareykanka wixii adeeg deg-deg ah ay ka heli doonaan qunsuliyada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!