Safarada Mareykanka oo cadeysay mowqifkeeda shirka Jowhar

by wadani | Tuesday, Oct 11, 2016

Nairobi : HN :-Safaarrada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay shirka magaalada Jowhar ee la sheegay in lagu dhisayo maamul ay ku midoobaan labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanka go’aan cad ka qaadatay shirka Jowhar oo sidda uu hadalka u dhigay aan ku socon rabitaanka shacabka labada gobol.

Safiirka, ayaa sheegay in marar badan oo hore tallo ku soo jeediyeen in shirkaa dib loo dhigo ilaa isbadalka danbe ee dowladnimo, isaga oo intaa raaciyay in fariinta ay u gudbiyeen madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Mareykanka u aragto dadajinta maamulka Jowhar lagu dhisayo mid codad uu ku raadinayo Xassan Sheekh oo ah mar kale musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

”Xog ogaal buuxa ayeeynu -nu u nahay xaalada Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed fariimo ayaan is weydaarsanaa afgaartooda ayaan dhageysanaa, waxaan ogaanay in shirkaasi uusan ku iman rabitaanka shacabka, laakiin qolo gaar ah ay iska waddato, waana tan keentay in aynun bareeraheena ama mowqifkeena shirka Jowhar cadeynno” ayuu yiri safiirka Stephen Schwratz.

Marka la eego hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykanka oo saameyn weyn ku leh geedi socodka siyaasada Soomaaliya, waxaa kuu muuqanaya in ay adkaan doonto marka danbe in beesha caalamku aqoosato sharci ahaashaha maamul ka soo dhax-baxa shirka loo fadhiyo magaalada Jowhar.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!