Safiir Axmed C/salaan oo gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Wafdi uu hogaaminayo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

Wafdiga ayaa isugu jiray siyaasiyiin iyo xubno kale ka soo jeeda gobolka Galguduud, lamana oga ujeedada rasmiga ah ee socdaalkooda,2c7bd_Axmed11 inkastoo waayadii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf xoogan oo ka taagnaa halka rasmiga ah ee lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa marka laga soo tago in uu yahay safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, dhinaca kale waxaa uu ka mid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada gobollada dhexe, waxaana la sheegaa in uu yahay musharaxa ugu cad cad qabashada xilkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud oo muddo saddex cisho ah ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ayaan kala soo noqon wax guul ah in uu ka dhaadhiciyoduqeyda dhaqanka inay aqbalaan go’aanka dowlada ee ah in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabto magaalada Cadaado.

Dad badan ayaa aaminsan in musharixiinta u taagan qabashada xilka maamulka gobollada dhexe ay qeyb ka yihiin khilaaf ba’an ee ka taagan halka uu ka dhacayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!