Safiirka cusub ee Turkiga oo lagu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

by admin | Wednesday, Aug 12, 2015

Ankara : HN :–Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday dalka Turkiga C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga,, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iyo safiiro kale oo fadhigoodu yahay dalka Turkiga.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Radio Muqdisho 20150810_203327ayaa sheegay in safiirka si diiran loo soo dhaweeyay, isla markaana uu dhawaan waraaqihiisa danjirenimo u gudbin doono Madaxweynaha dalka Turkiga, si uu u sii guda galo howlaha dowlada Soomaaliya u idmatay.

Cabdiqaadir ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in safiirka ay ku so dhaweeyaan dalka Turkiga, isla markaana uu kulamo la qaatay howlwadeenada safaaradda, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Xog-hayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo ka hadlayay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa xusay inay ka warqabaan xaaladaha ay ku suganyihiin, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay sida dowladda Turkiga ay u garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!