Safiirka dowladda Britain oo tagtay Kismaayo

by wadani | Monday, Dec 19, 2016

Kismaayo : HN :-Safiirka Ingiriiska u fadhisa Dalka Soomaaliya ayaa  Maanta tagtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah.

Qodobada ay ka wada hadleen waxaa kamid ah Doorashada ka socota dalka iyo Ammaanka Degaanada Maamulka Jubbaland.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!