Safiirka imaaraadka Carabta oo ka badbaaday weerar ay ku dili lahaayeen Al-shabaab

by admin | Wednesday, Jun 24, 2015

Muqdisho : HN :–Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in safiirka imaaraadka Carabta ee Soomaaliy Mohamed Al-Othmani ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo ay Al-shabaab doonayeen in ay ku dillaan.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa saarnaa mid ka mid ah gawaarida aan xabadaha karin ee loo yaqaano Bulletproof, waxaana gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu beegsaday gawaari ay saarnaayeen ciidamo ilaalinayay kolonyada uu la socday Safiirka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Safiirka uu bad qabo, waxaana xilliga la weeraray kolonyada uu la socday ay ka soo baxeen Isbitaalkiivlcsnap-2014-03-26-13h48m44s219 Xoogga.

Ugu yaraan 12 ruux oo ayaa ku geeriyootay weerarkan, waxaana dadka dhintay ku jira dad rayid ah, ciidamo ilaalinayay wafdiga iyo labadii ruux ee gaariga is qarxiyay saarnaa.

Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho ka wada howlo isugu jira sama fal iyo taageero ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka hirgelisay Isbitaal iyo xero lagu tababaro ciidamada.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa xarun u aheyd magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay waraaqdiisa danjirnimo.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dowladaha Khaliijka ayaa ka mid ah dowladaha daneynaya arrimaha Soomaaliya, waxaana dhowaan Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!