Safiirka Imaaraadka oo saldhig ka sameystay magaalada Nairobi

by wadani | Thursday, Nov 17, 2016

Nairobi : HN :-Danjiraha dowladda Imraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Osman Alxamadi, ayaa isaga tagay magaalada Muqdisho isaga oo saldhig ka sameystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo sidda la sheegay uu ka maamulayo siyaasada Soomaaliya iyo doorashada 2016ka.

Safiirka ayaa dhawaan magaalada Nairobi kula shiray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke, Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo musharax C/rashiid C/shakuur, oo ay ka wadda hadleen arrimaha doorashada, siddoo kale safiirka ayaa kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Kenya.

Shaqada ugu badan ee magaalada Nairobi uu ka hayo safiirka ayaa waxaa ka mid ah ilaalinta hishiiskii hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka ay la soo galleen dowladda Imaaraadka kaasoo ka dhan ahaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xassan Sheakh Max’uud oo doonaya in uu mar kale xilka ku guuleysto.

Isku deyga ugu horeeyay ee imaaraadka ayaa ah marka la soo dhameystiro xildhibaannada hadda la soo xullayo guddoonka baarlamaanka loo soo sharaxo shaqsi ka soo beesha Hawiye, si meesha looga saaro awood-qeysiga beesha ee kursiga madaxweynaha, haddii taa la waayo ayaa dhinaca kale laga fikirayaa siddii dhaqaalle loogu bixin lahaa shaqsi kale oo la loolama madaxweyne Xassan Sheekh.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhiniciisa ka gaashaamanaya qorshaha imaaraadka Carabta, isaga oo taa badalkeeda taageero mug leh ka raadinaya dowladda Turkiga oo saameyn weyn ku leh Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!