Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo dhalinyarrada Soomaaliyeed u raadinaya waxbarasho

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

Roma : HN :– Danjiraha Dowladda Federaalka Somaaliya u jooga dalka Talyaaniga Ambassador Muuse Xasan Cabdulle ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada Kala Duwan ee dalka talyaaniga,iyadoo kulankasina diiradda lagu saarayay sidii ay dhallinyarada Soomaalida ee ku dhibaateysan Gobollada Talyaaniga u heli lahaayeen Fursado waxbarasho iyo daryeel ku filan.

Danjire Muuse Xasan ayaa sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku soo maray Gobolada kala duwan ee talyaaniga,kuwaasoo ay ku dhibaateysanyihiin Dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed qaarkoodna ay ku xiranyihiin xabsiyada talyaaniga,isagoo kala hadlay Madaxda Gobollada uu booqdey sidii ay fursado waxbarasho u siin lahaayeen Dhallinta Soomaaliyeed si ay u sameystaan mustaqabal wanaagsan.

Danjiraha Dowladda Federaalka Somaaliya u jooga dalka Talyaaniga Ambassador Muuse Xasan Cabdulle ayaa Xafiiskiisa kula kulmayDanjiraaa Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada Kala Duwan ee dalka talyaaniga,iyadoo kulankasina diiradda lagu saarayay sidii ay dhallinyarada Soomaalida ee ku dhibaateysan Gobollada Talyaaniga u heli lahaayeen Fursado waxbarasho iyo daryeel ku filan.

Danjire Muuse Xasan ayaa sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku soo maray Gobolada kala duwan ee talyaaniga,kuwaasoo ay ku dhibaateysanyihiin Dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed qaarkoodna ay ku xiranyihiin xabsiyada talyaaniga,isagoo kala hadlay Madaxda Gobollada uu booqdey sidii ay fursado waxbarasho u siin lahaayeen Dhallinta Soomaaliyeed si ay u sameystaan mustaqabal wanaagsan.

Hiiraan Net. 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!