Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo booqday magaalada Beledweyne

by admin | Thursday, Jun 25, 2015

Beledweyne: HN :–Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa kulan kula qaatay magaalada beledweyne safiirka dowladda Swaden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lind vall iyo u qeeybsamaha arrimaha siyaasadda Sweden ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta hay’adaha Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne, waxaana lsafriirkaa iskula soo hadal qaaday sidii loo sii dar dargelin lahaa arrimaha dib u heshiisiinta, Hiigsiga 2016-ka iyo howlaha maamul u sameeynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe.

Safiirka Dowladda Sweden Mikael Lind valla ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay shirka dib u heshiisiinta iyo aaya ka talinta, kaa soo hada weli ka soconaya magaalada Beledweyne, isagoo ku baaqay in la siiwado howlaha dib u heshiisiinta iyo howsha Maamul u sameeynta, si loo gaaro doorasho ka dhacda Dalka marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdifataax Xasan Afrax oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhankooda ay ka go’antahay sidii loo da dajin lahaa howlaha inta dhiman, waxa uu uga mahadceliyay taageerada Dowladda Sweden la garab taagntahay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Hiiraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!