Safiirka Turkiga ee Soomaaliya la kulmay ardeyda iyo maamulka Jaamacada SIMAD

by admin | Wednesday, Mar 25, 2015

IMG_1811Muqdisho : HN :–Danjiraha dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD, isagoo la kulmay Maamulka Jaamacada iyo qaar ka mid ah Ardayda, waxaana uu balan qaaday in dowladdiisu ay sii wadeyso taageerada horumarineed iyo tan waxbarasho ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan horayba u wadnay taageero aan siineyso jaamacadaha Soomaaliyeed, anagoo ugu deeqnay kumputerro iyo qalab kale waana sii wadi doonnaa teegeeradas aan siineyno iskuulada iyo jaamacadaha. Fursadaha waxbarasho ee bilaashka ah waa mid muhiim noo ah waxaana jirta hay’ad dowli ah oo qaabilsan arrintan, hay’addaasi sanad kasta waxay bixisaa minxooyin, sand kasta waxay dowladda Turkigu waxbarasho siisaa shan boqol oo arday oo Soomaali ah”ayuu yiri danjire Olgan isagoo su’aalo uga jawaabayay ardayda.

Sidoo kale danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Turkigu ay mashaariic horumarineed oo badan ay ka waddo waddanka, kuwaas oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha iyo qaar kale oo xiriir la leh arrimaha gargaarka bani aadanimmo iyo dib u dhiska asagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan mashaariicdaas. Danjire Olgan Baker ayaa kormeeray qaybaha jaamacadda waxa uuna booqday fasallo ay ardaydu dhiganayeen, isagoo kulan gaar ahna la qaatay maamulka jaamacadda.

IMG_1831Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xassan Carab ayaa uga Mahad celiyay danjiraha, shaqada uu ka hayo waddanka isagoo metelaya shacabka iyo dowladda Turkiga, wuxuu si gaar ah u xusay taageerada ay siiyaan jaamacadaha waddanka iyo ardayda Soomaaliyeed ee ay deeqaha waxbarasho dalkooda ugu qaadaan.

“ Wuxuu la hadlay arday kala duwan, wuxuu u sheegay sida ay dowladda Turkigu albaabada ugu fureen ardayda Soomaaliyeed oo ay diyaar ugu yihiin inay takhasusyada ay u baahan yihiin ay ku sameeyaan waddanka Turkiga, taas oo ah mashruuc socda oo ay Turkigu horay u fureen, walina ay sii xoojinayaan. Annaga SIMAD ahaan waxaan tusnay qalabkii ay noogu deeqeen oo shaqeynaya, waana soo dhaweyneynaa” ayuu yiri guddoomiye Daahir Carab.

Dowladda Turkiga ayaa si joogto ah teegeero qalab iyo mid farsamo u siisa jaamacadaha ku yaalla waddanka. Sanadkii hore dalladda SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado ku yaalla gobollada dalka iyo machadyo ayay dowladda Turkigu siisay matoorro dabka dhaliya iyo Computer.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!