Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo booqday magaalada Kismaayo

by admin | Monday, Feb 23, 2015

480x320x1126.jpg.pagespeed.ic.9Hr1iWM7tPKismaayo : HN :–Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa maanta gaaray oo si weyn loogu soo dhaweeyay danjiraha Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho, danjire Olgan Bekar .

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa Danjiraha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland , Suldaan Cabduqaadir Xaaji Maxamuud iyo xubno oo ka tirsan maamulkaas.

Wafdiga Danjiraha waxaa la geeyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, wuxuuna kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka ka tirsan maamulka.

Waxaa la sheegay in ay ka wada-hadaleen horumarinta deegaanka,waxaana maamulka uu ka codsaday dowladda Turkiga inay kala shaqeeyan horumarinta deegaanka Jubbooyinka iuo Gado.

Sidoo kale,wafdiga safiirka waxuu boqday dekedda weyn ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay kormeeren sida ay u shaqeynayaso.
Dowladda Turkiga waxaa ay magaalada Muqdisho ka fulisay mashaaric badan oo lugu horumariyay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!