Safiirka Turkiga oo Soomaaliland kala hadllay wada hadalladii u socday iyaga iyo DF

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

Muqdisho : HN :– Danjiraha dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya,Olgan Bekar ayaa gaaray magaalada Hargaysa,halkaas oo u kula shiray madaxweynaha Soomaaliland,Axmed Siilaanyo.

Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliland ayaa safiirka waxaa uu kala hadlay maaxda maamulka sidii loo sii wadi lahaa waa-hadalladii u socday Soomaaliland iyo dowladda faderaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland,Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib waxuu sheegay madaxweynahaTurkisomlai Soomaaliland iyo safiirka Turkiga inay kawada hadleen sii socoshada wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Soomaaliland waxaa soo gaaray safiirka Turkiga,waxaan ka wada-hadalnay arrimo ay ka mid yihiin sii socoshada wada-hadallada Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya,”ayuu yiri Biixi oo inta ku daray inay ay isla soo qaaden sidii ay Soomaaliland u heli lahayd teeqaha Turkiga ee Soomaaliya qaybtooda.

Wada-hadalada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa dhowr mar baaqday,taas oo sabab looga dhigay arrimo farsamo,balse dowladda Turkiga ayaa dadaal ugu jirta sii socoshada wada-hadallada.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!