Safiirkii Mareykanka ee dalka K Kuuriya oo Mindi lagu dhaawacay

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

K/Kuuriya : HN :–Nin ku hubeysan Mindi ayaa dhaawacay Safiirka mareykanka u fadhiya Koofur Kuuriya Mark Lippert, kaasoo ay dhaawac ka soo gaareen gacanta bidix iyo wajiga.

Mr Lippert oo 42-jir ah ayaa xilliga la weeraray ka qeyb galayay farshaxan, iyadoo xilliga ninka midida uu ku dhifanayay uu quraacanayay

Dhaawaca Safiirka ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaal magaalada Seoul, inkastoo aanay xaaladiisa aheyn mid qatar ah

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in shaqsiga dhaawaca u geystay safiirka oo da’diisa lagu sheegay 55-jir ah uu ku qeylinayay, markii uu81410666_81410475 tooreyda la dhacay Safiirka in Waqooyiga iyo Koofur Kuuriya ay midoobaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa ninkan durba xiray, iyadoo la dhigay xabsi, waxaana weerarkan uu ku soo aaday, iyadoo la filayo in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Koofur Kuuriya inay sameeyaan dhoolatus milateri

Madaxweynaha Koofur Kuuriya Park Guen-hye ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ka dhan ah Isbaheysiga Koofur Kuuriya iyo Mareykanka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay dhacdadan lagu dhaawacay Safiirkii Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa u rajeeyay Mr Lippert inuu si deg deg ah u soo bogsado, wuxuuna Safiirka ku tilmaamay nin halyey ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!