Sakariye Ismaaciil oo lagu waddo in maanta laga soo dajiyo magaalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Dec 30, 2014

Muqdisho : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sakariye Ismaaciil Xirsi oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, laakiin dhawaan isku soo dhiibay ciidammada dowladda ee gobolka Gedo, ayaa lagu waddaa in maanta laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku jira gacanta ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa lagu wadaa in diyaarad gaar ah lagu soo qaado.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sakariye Ismaaciil ay u badan tahay in la geeyo dhinaca Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, si halkaas diyaarad looga soo qaado lana keeno magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa maalin ka hor sheegay in ciidamada Kenya ay ka dalbadeen inAl-Shabaab1-300x214 Sarkaalkaas ku soo wareejiyaan, balse ay u diideen.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegaya inay u badan tahay in Sarkaalkan la keeno maanta ama maalmaha kale, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay socdeen wada hadalo ku saabsanaa sidii ninkan Muqdisho loo keeni lahaa.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa dhowaan xaqiijisay in Sakariye oo ka tirsanaa Al-Shabaab gacanta lagu dhigo, hase yeeshee ma aanay sii faah faahin.

Sakariye Ismaaciil oo madaxiisa uu saarnaa lacag dhan 3-milyan ayaa ahaa madaxii mukhaabaraadka Al-Shabaab, inkastoo Al-Shabaab ay iska fogeeyeen inuu wax xil ah hayay, isla markaana labo sano ka hor uu ka goostay, lana shaqeynayay dowladda Soomaaliya, marar badana uu safray.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!