Saldhiga ciidamada nabad-sugida ku leeyihiin degmada Afgooye oo qarax lagu weeraray

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 22 views

Afgooye : HN :  Wararka laga hellayo degmada Afgooye ee gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah lagu qaaday saldhig ciidamada nabad-sugida ay ku lahaayeen degmada.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay agagaarka koontaroolka Baar Ismaaciil ee laga galo degmada, Afgooye, waxaana qaraxa kadib la maqlayay dhawaqa rasaas culus oo ay ridayeen ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay waxaa ay ka bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka soo qaaday, inkastoo aan la sheegin cid ay qabteen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee  ka dhashay qaraxa lagu weeraray saldhiga ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya ee  ku sugan degmada Afgooye.a

Saraakiisha dowladda ayaa gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa sadax askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!