Samsam Daahir Max’uud noqontay haweeneydii ugu horeysay ee ka mid noqota aqalka sare

by wadani | Saturday, Oct 15, 2016

Cadaado : HN :-IYDOO  wali magaalada Cadaado ay ka socto doorashada xubnaha aqalka sare ee dalka, ayaa goor dhawe waxaa soo baxday haweeneydii ugu horeysay ee heshay kalsoonida baarlamaanka Galmudug si ay uga mid noqoto aqalka sare ee dalka.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Samsam Daahir Max’uud ayaa waxa ay ka mid ahayd xubnihii ku tartamayay doorashada aqalka sare ee ka dhacaysay magaalada Cadaado. Hase yeeshee waxaa weli muuqan in qoondadii haweenka aysan ka heli doonin maamulka Galmudug maadaama boqolkiiba soddon hore loogu qorsheeyay,

Doorashada ka soconaysa magaalada Cadaado ayaa waxaa sidoo kale ku guuleystey kursiga aqalka sare Yusuf  Geele Ugaas ayaa isaguna noqday shaqsiga afaraad eek u guuleystay xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matali doona Galmudug.

Weli waxaa ka sii socda magaalada Cadaado doorashada kuraasta Aqalka Sare iyadoo ay illaa shan xubnood haatan la xaqiijiyay inay ku guuleysteen kuraasta Aqalka Sare,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!