Sanbaloolshe oo loo wado inuu noqdo madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelada dhexe

by Yahye | Tuesday, Sep 23, 2014

Muqdisho; HN:- Wararka hoose ee ka cusub magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mida in taliyihii dhawaan laga qaaday nabadsugida Cabdulahi Sanbaloolshe loo wado inuu noqdo madaxweynaha maamul goboleedka gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, kadib marka leeysku darro.

Warkan ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sh, uu ka war hayo, isagoona ku qancinaya Sanbaloolshe kadib markii si uusan raali ahayn xilka taliyaha nabadsugida looga qaaday, qorshahan ayaa sidoo kale waxaa dabada ka riixaya xubno ka tirsan dowlada iyo weliba xildhibaano ka soo jeeda goboladaas.

Waxaase suáala cida yeelan doonta magacaabida madaxweynaha maamulka 2-da gobol, waaba hadii aay dhacdo, ma Muqdisho iyo Xasan Sh, ayaa soo magacaabaya mise Baarlamaan deegaan oo ay soo doorteen dadka degan goboladaasi, jawaabahan waxaanu heli doonaa kadib marka waqtigeeda la gaaro.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Sanbaloolshe laga yaabo in loo magacaabo duqa magaalada Muqdisho iyadoona Muungaab uu noqon doono gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kaliya, taasoo macnaheedu yahay in la kala qaadi doono duqa magaalada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Xildhabaan si hoose u hadlay sheegayna inuu xod ogaal yahay ayaa sheegay in arinta Sanbaloolshe aay inta badan soo dhamaatay marka madaxweynuhu safarka Mareykanka ka soo noqdana lagu dhawaaqi doono Duqa magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago saadaasha ayaa waxaa iska cad in madaxweyne Xasan Sh, uusan raali ka noqon xil ka qaadistii lagu sameeyey Sanbaloolshe taa bedelkeedna uu doonayo inuu xil kale u dhiibo, waana taa mida leeysku wada raacsan yahay.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!