Sanbaloolshe” xil ka qaadisteyda waxaa ay aheyd mid siyaasadeysan

by admin | Sunday, Sep 21, 2014

Muqdisho : HN :– Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sabihii keenay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay, kaddib markii uu madaxweyne Xassan Sheekh ogolaaday xil ka qaadistiisa.

Waxaa uu sheegay in shaqsi ahaan uusan waxba u arag tallaabada ay qaadeen xubnaha gollaha wasiirrada, laakiin waxaa uu sheegay in qodobada loo cuskaday xil ka qaadistiisa yihiin kuwo aan waxba ka jirin, isaga oo ku tilmaamay in arrimaha la siyaasadeynayo oo la doonayo in xil ka qaadista lagu sameeyay beer laxawsi looga raadiyo sidda uu hadalka u dhigay baarlamaanka.

“Waxaa aaminsahaya in xil ka qaadisteyda inay aheyd in beer laxawsi looga raadsanayay Baarlamaanka, waxaa dhexda uga soo galay dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeyay madaxda sare, waxaa uu ahaa xil ka qaadisteyda go’aan siyaasadeed, aniga waxaa is lahaa cabsi ayay ku saleysneyd, waayo waxay is dhahayeen dadka qaar ninkaan hadaan iska qaban anaga ayuu na xirayaa”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Mar la weydiiyay su’aal aheyn hub ka dhigistii uu ku dhaqaaqay markii xilka loo magacaabay suurtagalnimada in la dhibsadaysanbaloolshe tallaabooyinkii uu ka qaaday qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii hore ee hubka ku dhax heysta Muqdisho ayuu yiri”

“Dabcan magaaladan 24-sano waxa la isku dilayay ma aheyn midiyo iyo warano, waxa la isku heystay waxay aheyd hub, ninka shabaab ah iyo askariga tuutaha watay ee magaalada dhex marayay lama kala aqoon, Madaxtooyada, baarlamaanka iyo Maxkamada waxaa lagu weeraray Hub, qof kasta la dilayay, waxa lagu dilayay waxay aheyd hub, meel kasta oo halbowlaha dowladda weerar ayaa ku socday, adad ayaga aan shaqeyneyn in la shaqeeyo aan ogoleyn ayaa magaaladan caqabad ku ah”ayuu yiri C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo intaa ku daray in hadii aan hubka la xakameyn aanay magaalada nabad noqon karin,

Waxaa kaloo uu ka hadllay xarigii dhawaan uu kula kacay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Idaacada Muqdisho isaga oo yiri” “Aniga waxaa ku talinayaa in saxaafada si adag loo xakameeyo, waa hubka kaliya ee Al-Shabaab adeegsanayo oo Barobagaando ah, maalin kasta codka Cali Dheere iyo kuwa kale ayay 10-ka milyan ee Soomaaliyeed uga sii daayaan, howl galadooda si cod dheer ah ayay ku gaarsiin karaan bulshada, markee dowladnimada bur burto hadaan tallaabooyin adag la qaadin oo aan warbaahinta la xakameyn caqabadaha waa sii soconayaan, Turkiga waa aragteen Twitter-kii iyo barihii Bulshada ayuu xakameeyay, maantana doorasho ayaa dhacday”ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka.

Waxaa uu meesha ka saaray eedeymo ahaa in uu xirray xildhibaan iyo in uu hadallo ku kulul u adeegsaday qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda, isaga oo sheegay xarriga xildhibaannka in uu dhacay si qalad ah markii la soo gaarsiiyay warkiisana uu markiiba amaray in la sii daayo.

Ugu danbeyntii Sanbaloolshe ayaa gaashaanka ku dhuftay in uu jiro xiriir gaar ah oo kala dhaxeeya madaxweyne Xassan Sheekh, walloow uu qiray in ay isku dhaw yihiin madaxweynaha marka loo eego mas’uuliyiinta kale ee dowladda, laakiin taa macnaheedu ma’aha ayuu yiri xiriir siyaasadeed gaar ah oo madaxweynaha naga dhaxeeya.

Hiiraan Net.

 

 



Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!