SANDUUQA TAAKULEEYNTA IYO HORUMARINTA ISPORTIGA SOMAALIYEED.‏

by admin | Thursday, Nov 17, 2011

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay, Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena (Muxamed CSW) Magac sharaf iyo maqaam sare leh Somalinimada laakiin waqtigan dayaan duruufaha jira awgood,garasho xumo Dadkeena iyo kala daadsananta dhexdeena awgeed(Heer gun-nimo ku suganahay)Alloow, Alloow Na badbaadii-Aamiin.

Ciyaaraha ayaa leh faa’iidooyin badan sida jir dhisida, adkeeysiga, Is-dhex galka bulshada,ka fogaanshaha waxyaabaha maan-dooriyaaasha ah,mooryaan-nimadda iyo guud ahaanba dhaqamada lidka ku ah wada jirka iyo iskaashiga dhalinyaradda,sidoo kalle wuxuu Isportigu dhisaa caqliga dhalinyaradda,lidna kuma ah oo marna ma diidan  habka Shareecadeena Islaamka iyo hanaanka wacan ee dhaqankeena Somaaliyeed,shaki kuma jiro in guud ahaanba qaabkii iyo hanaankii hogaamineed ee Isportiga Somaaliyeed dumay sida qaab dhismeedkii Dalkeena Hooyo u dumay biloowgii 91-kii,iyagoo awalba dib u dhac iyo xaalad gaabis jireen,hadaba mudo 21-sano kadib waxaan oran karaa waxaa soo iftiimaay ama soo yare shaacaaya rajo Isporti iyo dib u soo noolaansho Xulal Qaran oo metelaaya magaca Somaaliyeed iyo astaanta Calankeena oo ka babanaaya garoomadda iyo goobaha Isportiga waana arrin farxadeeda leh soo dhoweeyna mudan, hanashada guul iyo u gudbida heeararka labaad weli waqtigoodi ma aha sida eey ila tahay,Kooxdda Xulka Qaranka Kubada Cagta ayaa ciyaar labo kulan aheyd la yeelatay dhigeeda Itoobiya,kulankii koowaadna ka dhacay Magaalada Jabuuti kuna soo dhammaaday bar-bar dhan(0-0)oo aan oran karo waa u guul xulka Somaaliyeed,inkastoo si weyn looga gacan sareeyeey kulankii labaad oo ka dhacay magaaladda Addis xarunta Itoobiya (5-0)looga badiyeey Xulkii Qaranka Somaaliyeed oo galabtaas daal,kala daadsanaan iyo deg-deg ka muuqdeey,hadana dhaliil iyo dhaleeceeyn midna ma mudna,waayo duruufaha jira awgood waxeeyba mudan yihiin amaan iyo bogaadiin Waa Xul dhalinyar oo aan heeysay waxyaabo badan oo ahamiyadooda leh ama lagama maarmaan ah:-Taakuleyn Dhaqaalle,Diyaar-garoow ku haboon iyo waqtiba,meelo kala duwan iyo qaabad kala duwan ku dheela iyo mida ugu muhiimsan oo ah ka Ciidii hooyo oo meesha ka maqan intaas iyo dhibaatooyin kaleba waxeey dhaawac ku yihiin natiijo dhalinta xulka qaranka,inkastoo xiriirka kubadda cagta Somaaliyeed intii tabartood ah dadaaleen soo diyaariyeen koox dhalinyaro ah oo meelo badan laga soo ururiyeey(mahad-celin)waxaan ku taageersanahay Xiriirka dhaliisha iyo cabashadda eey ka muujiyeey maqnaanshaha doorka Xukuumadda Somaaliyeed.
Hadaba anigoo ka mid ahaan jiray bahda saxaafadda Isportiga Somaaliyeed sanadihii 80-kii si weyna u garanaaya ahamiyada iyo qiimaha Isportigu leeyahay isla markaan indho furan ku arkaayo dhibaatooyin culeeyskooda weyn leh oo xiligan hor-taagan ama heysta waxaan soo jeediin lahaa(Sameeynta Sanduuqa Taakuleeynta Isportiga Somaliyeed) oo hadii sida ku haboon looga qeyb qaato noqn karaaya mid door wacan ka ciyaaraha kor u qaadida iyo daboolidda baahida jirta,isla markaana noqon karaaya mashcuur taaluleeyneed oo heer qaran ah,waxaana cifiryada aduunka ku dhaqan dad badan oo ka mid ahaa bahdii Isportiga Somaaliyeed oo aan oran karaayo waa shakhsiyaad leh firfircooni iyo karti dheeraad ah hadii la abaabulo ama iskaashi iyo isku duubni la helo tusaale ahaan:-
-Ustaad-Axmed Cabdi Daahir(Axmed Sheel).
-Ustaad-Maxamed Saalax Axmed(Charless).
-Ustaad-Ex-Wasiir-Maxamed Yuusuf Cabdi.
-Halyeey-Cabdi Bille Cabdi.
-Halyeey-Jaamac Maxamuud Aden(Jaamac Karaaciin).
-Mudane-Ibraahim Maxamed Cali(Shaash).
-Mudane-Axmed Nuur Jeenyo.
-Mudane-Mukhtaar Maxamed Axmed(Mukhtaar Cutti).
-Mudane-Khaliif Shire Riiko.
-Mudane-Muruudi Abati Aba Nuur.
-Mudane-Macalin-Tukke.
-Mudane-Macalin-Sudaani.
-Mudane-Macalin-Giftiin.
-Mudane-Macalin-Shiine Guhaad.
-Mudane-Macalin-Idiris.
-Mudane-Siciid Ceyroow.
-Mudane-Maxamed Ismaaciil.
-Mudane-Shiine.
-Mudane-Daahir Gacameey.
-Mudane-C/Rashiid Yuusuf(C/Rashiid Jeenyo).
-Mudane-Madoobe.
-Mudane-Cabdi-Xawlo.
-Mudane-Axmed Daahir.
-Mudane-Shiikha.
-Mudane-Madaxeey.
-Mudane-Dr-Shaqaaq.
-Mudane-Yaasiin Barafuun.
-Mudane-El-Wasiir-Saciid Qoorsheel.
-Mudane-Xildhibaan-Mowliid Macaani.
-Mudane-Col-Maxamed Faarax.
-Mudane-Dr-Cabdi Calasoow Raagge.
-Mudane-Maxamed Xaaji.
-Mudane-Bille.
-Mudane-Muftiin.
-Mudane-Cadammi.
-Mudane-Cafiif.
-Mudane-Cabdi-qani Jeenyo.
-Mudane-Biriq.
-Mudane-Deysane.
-Mudane-C/Kiim Batroolka.
-Mudane-C/Salaan Ibrahim(Man City).
-Mudane-Adaama.
-Marwo-Diib Jaamac.
-Marwo-Samsam Geelle.
-Marwo-Astur  Jaamac(Astur Jeenyo).
-Marwo-Sucaad Horseed.
-Marwo-Xabiibo Qaran.
-Marwo-Rageey.
-Mudane-Cismaan Xalane(Cismaan Xarash).
-Mudane-C/Laahi Nuur Koolamboo-Bahdii Saxaafadda iyo Warbaahinta Isportiga.
-Mudane-Maxamed Axmed Xaaji(Caga).
-Mudane-Axmed Cabdi Nuur.
-Ustaad-Baa-Cakaba.
-Ustaad-Xassan Carab.
-Mudane-Axmed Xassan Cowke.
-Mudane-Cismaan C/Nuur Xaashi.
-Mudane-Muuse Cali.
-Mudane-Najiib.
-Mudane-/Qaadir Macalin Mursal.
-Mudane-Yaasiin Abukor Cariif(Maamulkii).
-Bahdda Isportiga-Leesta.
-Bahdda Isportiga-Birmingham.
-Bahdda Isportiga London(dhoowr Qeybood).
-Bahdda Isportiga Canadda.
-Bahdda Isportiga USA.
-Bahdda Isportiga Sweden.
-Bahdda Isportiga Norway.
-Bahdda Isportiga Holland.
-Bahdda Isportiga Finland.
-Bahdda Isportiga Emaaraadka(UAE).
-Bahdda Isportiga Kenya.
-Badda Isportiga UniverlTV.
-Bahdda Isportiga SomaliChanal.
-Bahdda Isportiga TvRoyal.
-Bahdda Isportiga SomaliSat.
-Bahdda Isportiga TV-ga Qaranka.
-Shebekadaha Isportiga Internetka.
-Shirkadaha Xawaaladaha Somaaliyeed.
-Shirkadaha Isgaarsiinta Somaaliyeed.
-Shirkadaha Diyaaradaha Somaaliyeed(Duulimaadka).
-Bahdda Ganacsatadda Somaaliyeed.
-Xiriirka Kubadda Cagta Somaaliyeed.
(SANDUUQA TAAKULEYNTA ISPORTIGA SOMAALIYEED)
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-NOV-17-2011.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!