Saraakiil ciidan oo loo xirray qaraxii hotelka SYL

by admin | Friday, Jan 23, 2015

Muqdisho : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hay’addaha ammniga saraakiil ciidan u xirreen qaraxii shalay ka dhacay Hotelka SYL oo ay degenaayeen Wafdi Turkish ah oo horu-dhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanka ay durba qaadeen tallaabooyin ku aadan cidii mas’uuliyada ku laheyd amniga wadooyinka iyo saraakiishii gacanta ku heysay ammaanka Hotelka iyo hareerihiisa.

Lama oga tirada Saraakiisha la xiray, hase ahaatee waxay tani qeyb ka tahay tallaabooyin ay dowladdu dooneyso inay ku baarto falkan20151226355751427009317742015-01-22T133614Z_921314108_GM1EB1M1NSQ1_RTRMADP_3_SOMALIA-BLAST-TURKEY, kadib markii shalay Madaxweynaha uu ku dhawaaqay in Guddi baaritaan ku sameeya weerarkaas la magacaabay, kuwaasoo isugu jira qubaro Soomaali iyo Ajnabi.

Guddiga loo magacaabay baaritaanka weerarkaas ayaa la sheegay inuu madax u yahay Jen. Gaafow, waxaana xubno ka ah saraakiil ka tirsan AMISOM, Turkiga iyo saraakiil kale.

Inkastoo weerarka ay sheegatay Al-Shabaab, hadana waxaa la is weydiinayaa sida ay u suura gashay in gaariga waxyaabaha qarxa lagu waday inuu beegsado albaabka hore ee Hotelka, iyadoo tan iyo subaxdii ay xirneyd wadada, isla markaana Mas’uuliyiin badan loo diiday inay maraan.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoo ciidamada ammaanka ay dadka iyo gaadiidka u diidayeen inay isticmaalaan wadooyinka qaar ee magaalada oo tan iyo arbacadii ahaa kuwo isticmaalkooda uu dhib ahaa.

Si kastaba ha ahaatee wali waxaa xiran wadada hor marta Hotelka SYL oo 10-kii bishan lagu qabtay Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, waxaana wali ka babanaya calanka dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!