Saraakiil ka tirsan nabadsugida oo faragalisay doorashada kursiga agoon c/dalle/Xawaadle

by wadani | Thursday, Dec 1, 2016

Jowhar : HN :-Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ay diyaar ku yihiin xarunta doorashada ergadii u codeyn laheyd kuraasta jifada Agoon C/dalle, musharixiinta iyo guud ahaanba guddiga doorashada.

Hasse ahaatee wararka halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya saraakiil ka tirsan nabad-sugida halkaa tageen amarna ku bixiyeen in doorashada kursiga dib loo dhigo, taasoo goobta ka dhalisay booq iyo jahwareeray, waxaana ay guddiga doorashada ku adkeysanayaan in doorashada la qabanayo isla maanta, haddii kale gabi ahaanba la joojin doono doorashada aqalka hoose ee ka socta magaalada Jowhar.

Wararkii ugu danbeeyay ee halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidammada nabad-sugida goobta ka wateen guddoomiyihii guddiga doorashada Zaki Haraare oo ku adkeystay in la qabanayo doorashada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!