Saraakiil la tuhusan yahay in ay fududeeyeen weerarkii hotel SYL oo la amray in la xiro

by admin | Friday, Mar 6, 2015

Muqdisho : HN :-Saraakil sare oo dhinaca ammaanka ah ayaa la xiraya,kaddib markii lugu eedeeyay inay fududeeyeen weerar ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ilaa 12 sarkaal ayay dowladda Soomaaliya amartay in la xiro, kuwaaso ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ragga la xirayo waxaa ay isagu jiraan kuwa gaaray darajada jeneraallo iyo korneylo,mana cadda sababta ka dambeysa qorshaha loo xiriyo ee ay dowladda soo saartay.

Warbaahinta ayaa baahisay in loo xirayo saraakishan eedeymo la xiriira in ay sahleen ama ay fududeeyeen qaraxii ka dhacay afaafka20151226355751427009317742015-01-22T133614Z_921314108_GM1EB1M1NSQ1_RTRMADP_3_SOMALIA-BLAST-TURKEY hotelka SYL oo ay daganayaan madax Turki ah oo horudhac u ahaa booqashadii madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ku tagay Muqdisho maalin ka hor markii uu qaraxaasu dhacay.

Laba iyo toban sarkaal ayaa baaritaan uu ku socdaa, waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka siiyeen al-Shabaab weerarkii ka dhacay hotelka SYL ee ku yaal magaalada Muqdisho, kaasi oo dhacay bishii Janaayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!