Saraakiil u shaqeynayay hay’adda UNHCR oo lagu dilay Beledweyne

by wadani | Monday, Dec 14, 2015

Muqdisho : HN :–Ragga hubeysan ayaa goor dhaw rasaas ku furay gaari marayay meel ku dhow wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ku dhinteen labo ruux oo saarneyd gaarigaas.

Labada ruux ee dhimatay ayaa la sheegay in mid ka mid ah aheyd gabar u shaqeynayay hay’ada QaramadaMuqdisho1 Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Haweeneydan ku geeriyootay gaarigan ayaa magaceeda lagu sheegay Aamina Maxamed Nor halka qofka kale ee la dilayna magaciisa lagu sheegay C/saaq Aadan Caddaawe.

Weerarka ayaa dadka fuliyay waxa ay gaari ay wateen ku horgeeyeen baabuur ay wateen labada ruux ee la diley waxaana la sheegay in ay baxsadeen,

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada oo ku saabsan weerarkan hase yeeshee waxaa gaaray goobta uu weerarkan ka dhacay ciidamada ammaanka.\

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!