Saraakiisha AMISOM ee Baladweyne oo sheegtay in la dhan-taalay awoodii Al-shabaab

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013 | 3 views

qqqBaladweyn : HN :   Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM kana howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa sheegay in la dhantaalay awoodii kooxda Al-shabaab.

Jen Cismaan Subagle oo ka mid ah saraakiisha sar sare oo ciidamada AMISOM ayaa ku tilmaamay kooxda Al-shabaab mid awoodeedii ay  dhaafin weyday weeraro aan naf badan laheyn iyo in ay qaraxyo geystaan.

‘’AMISOM waa ay ka go’an tahay in ay gacan siiso dowladda Soomaaliya, Al-shabaab hadda taag badan malaha, marka laga reebo weerarada yar yar iyo qaraxyada ay geysanayaan,’’ ayuu yiri Jen Cismaan Subagle.

Habeen hore ayeey aheyd markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weeraro ku soo qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana weeraradaas ku dhintay rag sar sare oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!