Saraakiisha AMISOM oo sheegay in ay howlgal qarsoodi ah ka sameeyeen Galguduud

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho : HN :–Ku-simaha ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto ayaa ciidmada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ku ammaanay howlgal ay si qarsoodi ah uga furliyaan gobolkaas, kaasoo ay ku weerareen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan oo jaray jidka isku xira degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

Waxaa ay intaa ku darrtay  in howlgalka uu ahaa mid lagu furayay jidad ay Al-shabaab xirtay si loo mariyay gargaarka bani’aanimo ee la doonayo in la geeyo deegaannno ka tirsan gobolkaas, iyadoo xustay in howlgalkooda uu salka ku hayay codsi ay dowladda Somalia horay ugu soo gudbisay.

“Howlgalkii ugu dambeeyey ee qarsoodiga ahaa ee ay fuliyeen ciidammadeenna ku sugan gobolka gobolka Galguduud wuxuu ku soo2014728635421363598635245Madaxa_KMG_AMISOM beegmayaa xilli muhiim ah oo ay dalka oo dhan ka socdaan wajigii labaad ee howlgalkeenna kaasoo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka,” ayay tiri Wanyoto.

Iyadoo intaas ku dartay. “Sidaa daraadeed, kani waa mid ka mid ah howlgallada muhiimka ah ee Al-shabaab looga sifeynayo dariiqyada ay xireen si sahayda gargaar ee la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu wax yeelleeyeen loo mariyo, runtiina waan ku fasaxsanahay tallaabada deg-degga ah ee ay qaadeen ciidamadeenna, isagoo ahaa farriin loo dirayo Al-shabaab oo caadeysatay inay si mas’uuliyad darro ah u jaraan waddooyinka gala deegaannadii laga qabsaday.”

Lydia Wanyoga oo sii hadlayaysay ayaa sheegtay in howlgalkan uu yahay kii ugu horreeyay noociisa oo ay fuliyaan ciidamada AMISOM, iyadoo xustay in uu la jaan-qaadayo howl-galka Badweynta Hidiya ay ugu magac-dareen ee ka socda gobollada dalka qaarkood, taasoo ay qayb ka tahay in la furo jidadka isku xira magaalooyinka Al-shabaab laga saaray oo dhan.

Ugu dambeyn, ku simaha ergayga Midowga Afrika waxay sheegtay inay tani ka mid tahay howlaha ay AMISOM u joogto Soomaaliya, ayna ka go’an tahay inay sii wadaan howl-gallada ay Al-shabaab kaga nadiifinayaan guud ahaan Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka socda dalka Itoobiya, kuwaasoo ah kuwa keliya ee gobolkaas ka howlgala, waxaana ay dhawaanahan dagaal kula jireen xoogagga Al-shabaab

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!