Saraakiisha booliiska Kenya oo sheegay in ay qabteen rag watay walxaha qarxa

by admin | Wednesday, Sep 9, 2015

Nairobi : HN :–Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa sheegay  in ay gacanta ku dhigeen Saddex ruux oo watay waxyaabaha Qaraxa, kuwaasoo ku jiray Gudaha Suuqa Ganacsiga ee The Garden City Mall oo ku yaalla Magaalada Nairobi, iyagoo xusay daray in lagu ogaaday Qalabka ay raggan wateen baaritaanno lagu sameeyay.

The Garden City Mall ayaa ka mid ah suuqyada laga dukaameysto ee ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo booliisku ay xuseen in raggaas ay haatan ku xiran yihiin saldhig ku yaalla Nairobi.

Qof goob jooge ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah Raggaan la Qabtay uu markii hore diiday in baaritaanno laguThe_Garden_City_Mall_Nairobi_Kenya_660 sameeyo, illaa ciidamada AMISOM ay si khasab ah ku baaraan.

Sannadkii 2013-kii ayay ahayd Markii Xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Westgate Mall oo ah suuqa ganacsi oo ku yaalla Nairobi, halkaasoo ay ku dileen 67-qof oo ah oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa Kenya.

Afhayeenka Booliiska Kenya, George Kinoti ayaa sheegay in raggan oo haatan la xiray ay wateen walxo qarxa oo ugu jirtay boorso ay wateen, isagoo intaa raaciyay in dhamaantood ay yihiin Keenyaan.

Wariye ka tirsan BBC oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in raggan ay wateen walax yar oo qaraxda, tasoo lagu xiriiriyay bateri, kaddibna lagu xiray Mobile, kuwaasoo ah waxyaabaha sida fudud loo qarxin karo.

Intii Hawlgalku Socday ayaa Waxaa Shacabkii ka Dukaameysanayay Suuqan weyn loogu baaqay inay ka fogaadaan goobta, inta xaaladdu ay sidan iska bedelayso; iyadoo inta badan shacabkii halkaas ku sugnaa ay kala yaaceen.

Marka laga tago Weerarkii Westgate Mall, ayaa waxay Al-shabaab sidoo kale ka fulisay gudaha Kenya weerarro kala duwan oo ay dad badan ku dhinteen, kuwaas oo uu ka mid ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo dhacay Abriishii aansoo dhaafnay ayna ku dhinteen 148-qof.

Ugu dambeyn, Suuqa Westgate Mall ayaa Xirnaa Tan iyo September 2013-kii oo ahayd markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday ayaa waxaa dib loo furay bishii July ee Sannadkan 2015-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!