Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM oo sheegay in ay adkeynayaan amniga gobollka Bay

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013

Baydhabo : HN :   Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay saraakiisha ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa looga wada hadllay amaanka gobollka Bay.

Wasiirrka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay warbixino ka dhageysteen saraakiisha ciidamada dowladda ee  ku sugan magaalada Baydhabo kuwaasoo wafdiga wasiirrka uga warbixiyay xaalada amaan ee gobollka.

‘’Saraakiisha waxaa ay kulanka aan la yeelanay noogu sheegeen in ay ka go’an tahay sugida amniga gobollka Bay iyo sidii looga saari lahaa maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ayuu yiri,’’ wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi.

Waxaa kaloo uu sheegay wasiirrka in ujeedada socdaalka ay ku tageen Baydhabo tahay sidii ay u ogaan lahaayeen xaalada ciidamada, nabad-galyada magaalada iyo sidii loo sii dar dargalin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

‘’Runtii markii aan tagnay Baydhabo shacabka halkaa ku dhaqan aad ayeey noo soo dhaweeyeen, waxaana muuqata in ay taageero buuxda u hayaan dowladda Soomaaliya ayuu yiri,’’ wasiirrka.

Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay in uu wado mishaarkii ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollka Bay magaalada Baydhabo, loona qeybin doono.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!